Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada.
Ra’iisul Wasaare ku xigeen 2aad ayaa loo magacaabay mudane Abdisalan Abdi Ali sidoo kale waxaa wasiirka wasaarada howlaha guud iyo guryeynta loo magacaabay mudane Dr-Cilmi maxamad Nuur.
Afhayeenka Xukuumadda Farhan Jimale ayaa akhriyay liiska xubnaha wasiirrada cusub.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor