Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadri Nor