Ra’iisul wasaaraha XFS oo ganacsatada soomaaliyeed ugu baaqay iney maalgashtaan dalka

0
98

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Hamze Abdi Barre ayaa kormeer ku tagay degaanka daarusalaam waxaan uu bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, isaga oo ku dhiirigeliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladdu ay si buuxda u garab taagan tahay ganacsatada, si horumar loo gaaro, isla markaana lagala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here