Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, halkaas oo uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda Hay’adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Warkan waxaa soo jeedineysa:-Hamdi Diriye Ali