Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Muqdisho ka furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya.

0
56

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayey sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista ururka dhaqalaha Bariga Afrika.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumadda uu hugaamiyo ay dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.
Shirkan waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Abdulahi Abdulkadir Nor ayaa faah faahinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here