Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay Qorshaha Istaraatiijiyadda Wasaaradda Amniga ee shanta sano ee soo socota ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida dalka.
Qorshahan muhiimka ah oo u taagan in la xoojiyo awoodda hey’addaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadda loona abuuro jawi xasilloon ayaa u oggolaanaya shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah ugu noolaadaan, ugana qeyb-qaataan horumarka dalka.
Warkan waxaa faah faahinaysa: .Hamdi Dirie