Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Jamac, ayaa kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa. Kormeerkan ayaa uu ugu kuurgalay shaqooyinka kala duwan ee wasaaradda, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta xoolaha, dhirta, iyo daaqa. Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in la qiimeeyo heerka shaqo ee hadda ka socda wasaaradda, isla markaana la xaqiijiyo in hawlaha muhiimka ah ee loogu talagalay xoojinta dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada ay si hufan u socdaan.
Abdifitah Mohamed Ahmed ayaa faah faahinaya.