Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xiray shirka wadatashiga qaranka oo galay maalintiisii labaad, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayay arrimo muhiim u ah mustaqbalka siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dalka, waxaana ka qeyb galay madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, xubno ka socday bulshada rayidka, haween, dhalinyaro, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor