Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer ku tagay Wasaaradaha Waxbarashada iyo Dhalinyarada.
Intii uu booqashada ku jiray, waxa uu ku soo wareegay qeybo kala duwan oo ka mid ah wasaaraddaha, isagoo warbixin ka dhageystay howlaha shaqo ee ka socda.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa bogaadiyey dadaalka wasaaraduhu u hayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibaaraan hawlahooda.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed