Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta Safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin farxad wadaag ah oo u dhexeysa labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, taariikhi ah oo walaaltinimo ku dhisan, isaga oo dib-u-xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay abaar iyo amni darro.
“Sannadguuradan waxa ay fursad u noqon doontaa in aan sii xoojinno iskaashigeenna dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.
Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda Jamhuuriyadda Turkiga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.


