Raphinha oo Hanjabaad u diray Xulka qaranka Argentine.

0
33

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Raphinha ayaa hanjabaad u diray xulka Argentina ka hor kulankooda soo socda.

Xulalka Brazil iyo Argentina ayaa isaga hor iman doona kulan ka tirsan is reeb-reebka koobka adduunka ee qaarada. Labada xul ayaa ka dhexeeya xafiiltan aad u weyn, waxaana si weyn loo sugayaa kulankooda soo socda.

Raphinha ayaa sheegay in ay garaaci doonaan Argentina, waliba uu dhalin doono gool, wuxuuna sheegay inuu samayn doono wax walba oo uu awoodo.

“Waanu garaaci doonaa Argentina, shaki kuma jiro. Garoonka dhexdiisa iyo bannaankiisaba, haddii aan ku qasbanahay,” ayuu yiri Raphinha.

Romario: “Ma waxaad dhalinaysaa gool?”

Raphinha: “Haa, wax walba waan samayn doonaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here