Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kooxda Liverpool ayaa shaacisay Lambarka Uu Saxiixeeda cusub ee Dominik Szoboszlai u xidhan doono kooxda kadib markii uu ku soo biiray.
Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa si Rasmi ah u noqday saxiixii 2-aad ee kooxda Liverpool ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Reds ayaa xaqiijisay in Dominik Szoboszlai uu kooxda u xidhan doono Lambarka No.8 wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka cusub.
Lambarka No.8 ayaa noqday mid banaan kadib markii uu xiddiga Naby Keita ka tagay kooxda Liverpool markii uu dhamaaday heshiiskiisa.
Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa No.17 u soo xidhay kooxda RB Leipzig xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu Liverpool u xidhan doonaa No.8.