Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

0
69

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey horumarka baaxadda leh ee dhanka ganacsiga ah ee ay gaareen Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeedinayay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Moolka BBS ee dhawaan laga hirgeliyey Nairobi, ayaa ganacsatada Soomaalida ku ammaanay kaalinta libaax ee ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo xusay sida ay muhiimka u tahay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan faa’iidooyinka iskaashiga ganacsi ee labada bulsho, ayaa ku boorriyay ganacsatada in ay sii wadaan hal-abuurka iyo ku dhaqanka mabaadi’da ganacsi ee suubban, si loo sii ambaqaado guulaha la gaaray.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here