Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, ayaa xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon.
Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka, ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeeldheer dhaqaalaha oo uu ka mid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska ku soo bandhigayaa jihada lagu gaari karo dhaqaale oo horumarsan, kana tarjumaya yoolalka mustaqbalka lagu gaarayo isku filnansho dhaqaale.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Liiban Maxamed Cabdi