Real Madrid oo badaleysa qaabka ay u ciyaarto Xili Ciyaardedka Cusub

0
80

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Real Madrid si fiican ayay uga faa’iidaysatay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaanay la saxeexatay Fran Garcia, Brahim Diaz, Jude Bellingham, Joselu Mato iyo Arda Guler, balse waxa meesha ka maqan dhaliye dabiiici oo la’aantiisu ku qasbayso inuu Carlo Ancelotti sameeyo isbeddel qaabka kooxda uu ku ciyaarsiinayo ah.

Karim Benzema oo si xor ah uga tegay Real Madrid, una wareegay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihd, ayaa waxa ay Los Blancos isku dayday inay la saxeexato ciyaartoy u beddela, waxaana lala xidhiidhiyey oo bartilmaameed uahaa Harry Kane iyo Kylian Mbappe oo aanay midkoodna ku guuleysanin illaa hadda.a

Haddii Real Madrid ay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ku dhamaysato sida ay hadda tahay ee ah in aanay weeraryahan No.9 ah oo kalsooni lagu qabo aanay haysanin, Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu beddeli doono qaabka kooxdiisa oo uu ka guuri doono qaabkiisii hore ee ahaa 4-3-3, isaga oo u wareegaya 4-3-1-2, taas oo ka dhigan in Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes ay afka hore kali ku ahaanayaan isla markaana Jude Bellingham uu khadka dhexe ee booska No.10 uu ka  dheeli doono, halka khadka  dhexe ay saddex ciyaartoy oo ay ku jireen Tchouameni iyo Camavinga ay ka dheeli doonaan.

Carlo Ancelotti oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Waxa dhici karta sannadkan in aanu ku ciyaarno qaab ka duwan sidii hore, annaga oo ku xisaabtamayna waxa aanu ka samaynay suuqa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here