Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Girona kulan ka dhacay Bernabue kana tirsanaa horyaalka La Liga.Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican iyada oo koox walba u dagaalamaysay dhibcaha kulanka.Real Madrid ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca weeraka iyada oo kooxda Girona difaacanaysay goolkeeda isla markaas qaadyasay weeraro rogaal celis ah.Los Blancos oo uu ka maqnaa kabtankooda Karim Benzema ayaa si weyn ugu hor dhibaatootay goolka hortiisa xilli ay Girona si fiican u difaacanaysay.Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid ahayd kooxda fiican laakiin ku dhibaatoodeen in ay gool dhaliyaan.Qaybta dambe ayay Real ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay hogaanka ugu qabanayaan ciyaarta.Kadib dadaal badan oo ay samaysya Real Madrid ayaa daqiiqadii 70-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Vinícius Jr kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.Kooxda Girona ayaa bilowday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo daafaca ka baxay isla markaas weerar bilaabay.Real Madrid ayaa dhinaceeda ku dhawaatay in ay marar badan dhaliso gool kale iyada oo Goolhayaha Girona sameeyay badbaadino cajiib ah.Daqiiqadii 80-aad ayay Girona heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Cristhian Stuani kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.Real Madrid ayaa wax walba u samaysay sidii ay hogaanka ugu qaban lahayd ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado aan kala joogsi lahayn xilli Girona lafteedu samaysay fursado ay ku dhalin kartay goolal kale.Real Madrid ayaa daqiiqadii 89-aad dhalisay Gool waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha khalad uu xiddigu ku galay Goolhayaha Girona.Daqiiqdii 90+1-aad ayaa kaadhka cas loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos kadib markii uu xiddigu qaatay kaadhkii 2-aad ee digniinta ahaa,Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid iska lumisay laba dhibcood oo qaali ah tartanka horyaalka La Liga.