Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham kaas oo ay kala wareegtay kooxda Borussia Dortmund.
Real Madrid ayaa xiddiga Jude Bellingham ka dhigtay saxiixeedii 2-aad ee suuqa xagaaga kadib markii ay Dortmund kala heshiisay saxiixa xiddiga.
Jude Bellingham ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2029 ah waxana uu ka mid noqon doonaa xiddigaha cusub ee kooxda Real Madrid.
Real ayaa Jude Bellingham ka bixisay lacag dhan 103 milyan oo euro iyo lacago guno ah iyada 30% lacagtu tahay mid ay Dortmund haatan heshay.
Xiddiga reer England ayaa iska diiday kooxo badan oo reer yurub ah si uu ugu biiro kooxda Real Madrid xagaagan.