Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)- Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb, mudane Cabdiraxman Cali Maxamed, ayaa booqasho uu ugu kuurgalayay xaaladaha ay ku suganyihiin maanta ku tagay kaamka Ammaano, oo ay ku nool yihiin boqolaal shacabka oo ka soo hayaamay deegaanno badan oo dhaca bariga Caasimadda Dowladda Galmudug.
Dadkaan ayaa barakacayaasha ah ee kaamkan ku jira ayaa ah kuwa kasoo hayaamay deegano iyo degmooyin ka tirsan gobolada mudug iyo Galgaduud xiligii ay jireen abaaraha daran iyagoo caruurtooda iyo naftooda la soo baadi goobay nolol ka wanaagsan middi ay ku sugnaayeen, sida waxbarasho, caafimaad,iyo Amni.
Warkan waxaa soo jeedinaysa:- Hamdi Dirie Ali