Real Madrid oo go’aamisay Waqtiga ay La Saxeexanayso Xiddiga Kylian Mbappe

0
40

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aamisay waqtiga ay la saxeexanayso xiddiga reer France ee Kylian  Mbappe oo u sheegay PSG in aanu heshiis cusub u saxeexayn, isla markaana uu ka tegi doono marka uu dhamaado qandaraaskiisa uu sannadku ka hadhsan yahay.

Kylian Mbappe ayaa noqday hadal-haynta ugu weyn suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan markii qoraal uu soo saaray uu ugu sheegay kooxdiisa in aanu dhaqangelin doonin qandaraas sannad kale oo dookh ahaa.
Real Madrid ayaa ah kooxda ugu cadcad saxeexa Kylian Mbappe iyadoo uu hore laacibkani ugu tilmaamay in ay tahay kooxdiisa riyada ee uu doonayo in uu u ciyaaro.
PSG ayaa ka fiirsanaysa in ay iibiso xagaagan maadaama ay ogyihiin in sannad kaddib uu bilaash kaga tegayo, waxaase taasna diyaar u ah Los Blancos oo la diyaar ah lacag ka badan 150 milyan oo Euro.

Si kastaba, Real Madrid ayaa waxay go’aamisay waqtiga ay laacibkan heshiiskiisa dhamaystirayso, waana haddii uu PSG kusii negaado oo ay waayaan xagaagan.
Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay, in Real Madrid ay heshiis la saxeexan doonto Kylian Mbappe bisha January ee sannadka foodda inagu soo haya ee 2024, waqtigaas oo si hordhac ah ay ula sii meel-dhigi doonaan heshiiskiisa shaqsiga ah si uu xagaaga dambena si xor ah ugu soo biiro.
In ay hadda ku helaan lacag aan ka badnayn 150 milyan oo Euro iyo in ay January 2024 heshiis hordhac ah lasii gaadhaan ayaa ay Real Madrid go’aamisay midkooda suurtogalka u noqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here