Real Madrid oo Markii 5-aad Ku guuleysatay FIFA Club World Cup

0
69

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ka dib ciyaar xaraarad leh oo goolal badan la iska dhaliyay Real ayaa 5/3 ku garaacday kooxda reer Sacuudi ee Al-Ahli waxa ayna sidaas ku qaadeen koobka FIFA Club World Cup oo noqonaya markii 5-aad taariikhdooda

Labada koox si wacan ayay ku bilaabeen ciyaarta balse Real ayaa baxsad aheyd kuwaasi oo kubad weerar ah ciyaarayay illaa ay keeneen laba gool oo is xigay ,JR ayaa bilaabay daqiiqadii 13-aad halka Valverde uu sii raacsaday daqiiqaddii 18-aad

Kooxda reer sacuudi waxa ay ka faa`ideysteen ciyaartooyda Real oo horay u soo dhaqaaqayay ilaa ay ku keenen gool daqiiqadii 26-aad waxaana  darbo gantaal ah ku dhaliyay  Marega.

Real waxa ay Al Ahli ku dilayeen cadaadiska iyo boosaska oo ay isu bad badaleen .

Al Ahli qaab wacan ayay ku bilaabeen oo ciyaarta diiradda ayay saarayeen rogaal celiskana wa aku wacnaayeen balse Real mar waliba halis ayay ahaayeen ilaa Benzema uu dhaliyay gool sedexad uu ka shaqeeyay JR daqiiqadii 54-aad , intaas kuka joogsna gool 4-aad ayay heleen Valverde ayaa ku hubsaday shabaqa daqiiqadii 58-aad

Ka dib dhacadaas kooxda Sacuudiga waxa ay bilaabeen in masaaxooyin ay beenaayeen , waxa uuna macalin Ancelotti soo giliyay Rodrygo iyo Aurelien Tchouameni oo daqiiqadii 62-aad loo saaray Benzema iyo Aurelien Tchouameni

Al Ahli gool labaad ayay heleen waa fir fircoonaayeen balse qaladaad ayay marti u ahaayeen waxaana goolka labaad u dhaliyay L. Vietto daqiiqadii 63-aad balse mid 5-aad ayaa lagu aamusiyay waxaana shabaqa dhigay Junior daqiiqadii 69-aad

Real waxaa ka muuqatay xamaasad iyo rikoorka kobkaan sii dheereystaan oo qaab wax ku ool ah ayay ciyaarayeen waana midda keentay in koobkaan FIFA Club World Cup ku guuleystaan markii 5-aad taariikhdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here