Real Madrid Oo Shaacisay Lambarka Maaliyada Uu Trent U Xidhan Doono.

0
8

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay xiddigeeda cusub ee Trent Alexander-Arnold.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa Real Madrid kaga biiray kooxda Liverpool kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Real Madrid ayaa manta oo khamiis ah u soo bandhigtay taageerayaasheeda xiddigooda cusub ee Trent Alexander-Arnold.

Kooxda Real Madrid ayaa shaacisay in xiddiga Trent Alexander-Arnold uu kooxda u xidhan doono No.12 kadib markii uu ku biiray kooxda.

Sidoo kale xiddiga ayaa badalay magaca uu ku qoran jiray maaliyadiisa oo markii hore ahayd Trent Alexander-Arnold.

Laakiin xiddiga ayaa haatan ku qoran doona maaliyadiisa Real Madrid kaliya Trent.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here