Rodrygo oo go’aan Kama dambeysa Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Real Madrid.

0
18

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wargeyska AS ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday war cusub oo ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka reer Brazil, Rodrygo Goes, iyadoo shakiyo badan ay hareeyeen sii joogitaankiisa kooxda Real Madrid.

Sida lagu sheegay warbixinta, Rodrygo wuxuu doonayaa inuu sii joogo Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda, isagoo ka go’an inuu qanciyo tababaraha cusub Xabi Alonso isla markaana uu noqdo qeyb muhiim ah oo ka mid ah qorshihiisa farsamo ee cusub. Rodrygo wuxuu hiigsanayaa inuu helo boos joogto ah oo safka koowaad ee kooxda.

Xiddigan reer Brazil ma helin kalsooni buuxda intii lagu jiray Koobka Adduunka ee Naadiyada (FIFA Club World Cup) ee la qabtay xagaagan, taasoo keentay inuu dareemo niyad-jab. Haddaba, wuxuu doonayaa inuu beddelo xaaladdaas oo uu muujiyo muhiimaddiisa kulamada soo socda.

Waxaa xusid mudan in kooxo waaweyn sida Liverpool, Tottenham Hotspur, iyo Paris Saint-Germain ay xiiseynayaan saxiixa Rodrygo, balse illaa hadda ma jiro wax dalab rasmi ah oo ay kooxahaasi u soo gudbiyeen Real Madrid.

Rodrygo, oo weli ah ciyaaryahan da’yar lehna karti sare, ayaa doonaya inuu mar kale muujiyo tayadiisa, isagoo aaminsan inuu qeyb muhiim ah ka noqon karo kooxda Xabi Alonso ee xilli ciyaareedka 2025/26.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here