Roy Keane oo Ka Hadlay Finalka United vs Spurs

0
64

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kabtankii hore ee Manchester United, Roy Keane, ayaa saadaaliyay in kooxdiisii hore ay ka adkaan doonto Tottenham Hotspur kulanka kama dambeysta ah ee tartanka UEFA Europa League, kaas oo lagu ciyaari doono habeenka Arbacada magaalada Bilbao.

Labadan kooxood oo ka wada tirsan Premier League ayaa isku diyaarinaya inay xilli ciyaareedkooda qoomamayn badan kusoo gabagabeeyaan iyaga oo isku haya koob muhiim ah, kaas oo sidoo kale dammaanad u noqonaya ka qeybgalka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

In kasta oo Spurs ay xilli ciyaareedkan laba jeer ka adkaatay Manchester United, isla markaana ka reebtay afar dhammaadka Carabao Cup bishii December, Roy Keane wuxuu aaminsan yahay in Red Devils ay weli haystaan awood iyo khibrad dheeri ah.

“Weli waa inaad jeclaataa United. Ciyaaryahan sida Bruno Fernandes ayaa awood u leh inuu ciyaar beddelo,” ayuu Keane u sheegay Sky Sports. “Taariikhda Manchester United ee Final-yada waa mid culeys leh. Kooxdu waxay marar badan ku guuleysatay koobab, waxaana u maleynayaa in aqoontaasi ay ka badan tahay tan Tottenham.”

Keane ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in hal-abuurka Fernandes uu noqon karo mid go’aamiya natiijada ciyaarta.

“Bruno wuxuu samayn karaa sixir, waxaana rumeysanahay in taasi ay u horseedi doonto guusha,” ayuu yiri.

Kooxaha Ruben Amorim iyo Ange Postecoglou ayaa labaduba wajahaya cadaadis ah in ay badbaadiyaan sumcaddooda kaddib xilli ciyaareed aan la qancin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here