Ruben Amorim Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Jose Mourinho U Dhigay Man United.

0
29

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ruben Amorim ayaa noqday macalinkii labaad ee taariikhda Manchester United gaara final weyn oo Yurub ah xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay, wuxuuna barbareeyay saaxiibkiis reer Portugal Jose Mourinho xilli ciyaareedkii 2016-17.

Mourinho ayaa Man United ku hogaamiyay ku guulaysiga Europe League 2017, Red Devils ayaa 2-0 ku garaacday Ajax finalkii tartanka.

Amorim ayaa haatan fursad u heli doona inuu koob weyn la qaado kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska, kuwaasoo u soo gudbay final Europa League.

Red Devils ayaa u jirta kaalinta 15-aad ee premier League laakiin waxa ay hal kulan u jirtaa ku guulaysiga koob weyn xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Man United ayaa hal kulan u jirta in ay ka qayb gasho champions League xilli ciyaareedka dambe inkasta oo ay ku jirto kaalinta 15-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here