Ruwanda iyo DR Congo oo lagu heshiisiiyay dalka Maraykanka.

0
18

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Rwanda iyo Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa caasimada Maraykanka ee Washington ku wada saxiixday heshiis lagu soo afjarayo colaada daran ee tobannaanka sano soo jiitamayay ee u dhaxaysay labada dal ee deriska ah, lagana yaabo in Maraykanka laga siiyo macdan faa’iido badan.

Heshiiska ayaa dhigaya qodobo ay kamid yihiin kala saarid, hubka dhigis iyo shuruudo ku xiran isdhexgal lagu sameeyo kooxaha hubaysan ee ka dagaalama Bariga dalka DR Congo.

Faahfaahinada dheeraadka ah ayaa kooban, waxaana horay u guul daraystay heshiisyadii nabadeed ee hore ee gobolka oo noqday kuwa fashilmay – haddana taasi kama aysan niyad jabin madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kongo inay tani u noqoto guul taariikhi ah.

“Maanta, rabshadaha iyo burburku waa dhamaad, gobolka oo dhanna wuxuu billaabay bog cusub oo rajo iyo fursad ah,” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Jimcihii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here