Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mohamed Salah ayay u badan tahay in uu mustaqbalkiisa u hibayn doono kooxda Liverpool isaga oo u saxiixi doona heshiis cusub inkasta oo uu wali jiro shaki ku saabsan mustaqbalkiisa.
Taasi waa sida laga soo xigtay madaxii hore ee Man United Mick Brown, kaasoo weli aad ugu xiran ciyaarta dhexdeeda, isagoo si gaar ah ugu sheegay Football Insider in wakiilka 32 jirka uu wali ka shaqeynayo daaha gadaashiisa si uu u helo heshiiska ugu fiican.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa diyaar u ahaa inuu ka hadlo shuruudaha heshiis horudhac ah tan iyo bishii Janaayo, laakiin hadda waxaa la sheegay inuu u janjeero inuu sii joogo Anfield.
Kooxda Saudi Pro League ee Al-Hilal ayaa ugu cadcad saxiixa xiddiga Liverpool hadii uu doorto inuu baxo, halka Al-Nassr iyo Al-Itixaad sidoo kale doonayaan saxiixiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Brown ayaa ku adkeystay in wakiilka Salah uu u adeegsanayo xiisaha kooxaha kale si uu xiddiga ugu helo Heshiiska ugu fiican.
“Waxa aan maqlo, waxaan u maleynayaa in Salah uu sii joogi doono Liverpool,” ayuu u sheegay Football Insider.
“Waxaan mar walba filanayay inuu joogo, si daacad ah.
“Laakiin lama dhamaystiri doono ama lama shaacin doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.