Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xarardheere ka furay tababar muhiim ah oo loo qabtay howlwadeennada ka shaqeyn doona diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashada Qof iyo Cod ah.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada guddigu ku xaqiijinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta geedi-socodka doorashooyinka, iyadoo la diyaarinayo shaqaale aqoon iyo xirfad u leh qabashada howlaha diiwaan-gelinta dadweynaha.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi


