Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Ruben Amorim ayaa dib u helaya seddex ciyaaryahan oo muhiim ah ka hor kulanka Premier League ee Everton.
United ayaa guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay Tottenham kulankii ugu dambeeyay, taasoo ka dhigeysa inay ku jiraan kaalinta 15aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.
Guuldaro ka soo gaadha tababarihii hore ee United David Moyes ayaa kaliya sii kordhin doonta cadaadiska saaran Amorim.
Xiddig Amad Diallo ayaa seegaya kulanka kadib dhaawac Soo Gaadhay.
Si kasta ha ahaatee xiddigaaha Christian Eriksen, Leny Yoro and Manuel Ugarte ayaa dhamaantood taam u noday kulanka.
Shaxda Ay Man United Kaga Hor Tagi Karto Everton:
Onana; Mazraoui, Maguire, de Ligt; Dalot, Fernandes, Casemiro, Dorgu; Zirkzee, Garnacho; Hojlund.