Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Shir dib u heshiisiineed oo maalmo ka socday deegaano hoostaga degmada Mataban ee gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah lagu soo xiray, kaasi oo lagu guuleystay in lagu dhameeyo khilaafaad iyo colaado soo jireen ahaa oo ka jiray deegaanka.
Shirka ayaa waxaa ka qayb galay odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, dhalinyaro iyo haween, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa nabadda, wada noolaanshaha iyo midnimada bulshada deegaanka.labada beelood ayaa la kala wareejiyay Diyada 10 ruux oo ku Geeriyootay colaadihii ka dhaxay deegaanadda.
Warkan waxaa soo jeedineysa:Sadio Abdulakdir Yusuf.