Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Shirwayne ballaaran oo ka dhacay magaalada Caabudwaaq ayaa lagu yaboohay lacag dhan $93,700, taasoo loogu tala galay dhismaha wadada muhiimka ah ee isku xirta Kastanka Tuurdibi iyo Caabudwaaq ee Qalalax.
Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Ugaas Maxamed Ugaas Axmed, Xildhibaan Raysal Qorane Abshir, wasiiro, xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug, ganacsato iyo qaybaha bulshada, waxaana diiradda lagu saaray baahida degdegga ah ee loo qabo dhismaha wadadan muhiimka ah.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor