Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Adan ayaa soo xirey Shirka 5-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo labadii maalin u dambeysay ka socday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Shirka oo socday muddo labo cisho ah ayaa ahaa kii Shanaad (5) oo ay yeeshaan Wasaaraddaha Caafimaadka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed taas oo looga hadlayey horumarinta qeybta Caafimaadka guud ee Dalka.
Abdulahi Abdulkadir Nor ayaa faah faahinaya.