Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay mashaariicda horumarineed ee maamulka. Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, xubno ka tirsan golaha deegaanka, iyo khubaro ku takhasusay arrimaha horumarinta.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer diiradda loo saaray qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, biyaha nadiifta ah, waxbarashada, caafimaadka iyo xoojinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf