Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka wadatashiga iyo aqoon-is-weydaarsiga ee lagu falanqeeyay sidii ganacsiyada aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya looga dhigi lahaa kuwo rasmi ah.
Kulanka, oo uu si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, ayaa waxaa kasoo qeyb galay hay’adaha dowladda iyo wakiillo ka socday ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Waxaa lagu soo bandhigay xogaha ku saabsan ganacsiyada aan rasmiga ahayn, caqabadaha hortaagan iyo fursadaha lagu xoojin karo.
Warkan waxaa soo jeedineysa:Xamdi Diriye