Shir looga hadlayay amniga Degmada Caabudwaaq oo lagu qabtay Saldhigga degamdas

0
48

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Shir lagu lafa gurayay amniga degmada Caabudwaaq ayaa lagu qabtay saldhigga booliska degmadaas. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta degmada, saraakiisha ciidamada ammaanka, iyo laamaha maamulka Degmada caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

Ujeedada shirka ayaa ahayd in lagu falanqeeyo xaaladda amni ee degmada, loogana hortago falal amni darro Intii uu socday shirka, waxaa la isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta ciidamada ammaanka iyo shacabka si loo sugo nabadgelyada guud ee Degmada caabudwaaq Gobolka Galgaduud.

Liban Mohamed Abdi ayaa warkan faah faahinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here