Shir looga hadlayay fulinta mashariic hormarineed oo lagu qabtay Magaalada Garoowe.

0
36

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir, ayaa guddoomiyey fadhi muhiim ah oo diiradda lagu saarayey fulinta mashariic horumarineed oo laga hirgelinayo deegaano ka tirsan gobolka Nugaal.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka wakaaladda horumarinta Biyaha Puntland, saraakiil dowladeed iyo nabadoonno ka socday bulshada deegaanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii mashruucyadaasi biyaha iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah loogu gaarsiin lahaa deegaanada u baahan.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here