Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka furmay shir u dhexeeya hay’adaha gargaarka iyo madaxda maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha bani’aadanimada.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo isku dubbaridaya hawlaha bini’aadantinimo ee deegaannadaas.
Ujeeddada shirka ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha gargaarka iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo hagaajiyo adeegyada bani’aadanimada ee la gaarsiiyo bulshada ku dhaqan Laascaanood iyo nawaaxigeeda.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Ahmed Mohamed Jamac