Shir looga hadlayay iskaashiga Booliska iyo bulshada oo logu qabtay Baydhabo.

0
111

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, ayaa lagu qabtay shir looga hadlayay iskaashiga booliska iyo bulshada. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta u dhaxaysa ciidamada booliska iyo bulshada deegaanka, si loo horumariyo amniga iyo nabadda.

Shirkan ayaa waxaa kasooqayb galay xubno ka tirsan maamulka degmada Baydhabo, saraakiil boolis, iyo wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka ah. Ujeedada shirka ayaa ahayd in la abuuro madal furan oo lagu wadaagi karo aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta booliska iyo bulshada.

Warkaan waxaa soo jeedinaya;Abdullahi Abdulkadir Nor

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here