Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, ayaa soo xirtay Shirka Saddex Biloodlaha ah ee Isku-xirka Mashaariicda Caafimaadka Galmudug, kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Dhuusamarreeb, caasimadda Galmudug.
Shirka ayaa si qoto dheer looga dooday horumarka laga sameeyay adeegyada caafimaadka, caqabadaha jira, iyo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee ka jira degmooyinka iyo deegaannada Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali