Shir looga hadlayay nabada gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka furmay

0
67

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug waxaa ka furmay Shirweynaha Nabadda Galbeedka Mudug Shirweynahaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan JFS,Galmudug iyo Puntland, maamulada Gobolka mudug, Degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob ,Odayaasha dhaqanka Beelaha Leelkase iyo Sacad ,Culimo ,Haween ,Dhalinyaro iyo Saraakiisha Amniga Gobolka mudug

Beelaha walaalaha ah ee wadadaga Galbeedka Gobolka mudug ayaa waxaa dhexmaray heshiis taariikhi ah sanadkii 2020, waxaase dib kasoo cusboonaaday colaado sokeeye oo sababay khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac,
Waxaase maantay Gogol Nabadeed dhigay Degmada Gaalkacyo si loo xakameeyo dhibaatada soo cusboonaatay, isla-markaana loo dhammaystiro heshiiskii hore ee 2020, waxaana sidoo kale looga hadli doonaa arrimaha deeganka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liiban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here