Shir looga hadlayay shaqo abuurka qaxootiga iyo barakacayaasha oo Muqdisho lagu soo xiray.

0
31

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Shir-weynaha shaqo-abuurka qaxootiga iyo barakacayaasha, oo ay iska kaashanayeen Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Urur-goboleedka IGAD, ayaa lagu soo xiray magaalada Muqdisho.

Ahmed Jaamac Seed, oo ka tirsan Urur-goboleedka IGAD, ayaa sheegay in shirka ay ka soo baxeen go’aamo taabanaya masiirka dadka barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliyeed.

Agaasimaha xiriirka hay’adaha samafalka ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa dhankiisa sheegay in shirka diiradda lagu saaray sidii shaqo-abuur loogu sameyn lahaa bulshada nugul.

Warkaan waxaa soo jeedinaya;Abdullahi Abdulkadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here