Shir looga hadlayay wacyigelinta nabadda oo lagu qabtay degmada Bandiiradleey.

0
37

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka dhaqanka ee mid kamid ah beelo dhowaan heshiis nabadeed lagu dhex-dhigay magaalada Dhuusamareeb ayaa ujeedkiisu ahaa in Bulshada loo faah faahiyo go’aammadii nabadeed ee lagu gaaray shirka beelahan lagu heshiisiinayo oo maamulka Galmudug ku qabtay Dhuusamareeb bishii July ee sanadkan.

Odoyaasha dhaqanka ayaa Bulshada degmada Bandiiradleey waxaa ay la wadaageen farriin nabadeed iyagoo kula dardaarmay in qofkasta uu ka qayb-qaat sidii nabad waarta ay ugu wada noolaan lahaayeen beelo ay dagaallo ku dhexmareen deegaanno hoos taga degmooyinka Dhabbad iyo Gelinsoor ee Gobolka Galguduud.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here