Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Aamino Xuseen Cali ayaa si wadajir ah u guddoomiyay shir looga hadlayay hanaanka ay ku wada shaqeyn karaan Hay’addaha gargaarka bixiyo iyo dhigooda dowladda Soomaaliya.
Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna iskuduwaha arrimaha gargaarka Soomaaliya, madaxda hay’addaha UN OCHA iyo WFP ee Soomaaliya , wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada XFS MoLSA, hay’adda SoDMA iyo Wasaaradaha Gargaarka iyo Shaqada iyo arrimaha bulshada dowlad goboleedyada dalka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali