Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa magaalada Caabudwaaq ka dhacay kulan muhiim ah oo looga hadlayay arrimaha amniga iyo canshuuraha degmada. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Maamulka degmada, Agaasimayaal, Odayaasha Golaha Guurtida, Ganacsatada iyo Culimada deegaanka.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa ammaanka degmada Caabudwaaq, iyadoo looga hadlay doorka bulshada ee sugidda nabadda.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor