Shir looga hadlayay yareynta xaalufinta dhirta iyo khatarta gaaska oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

0
36

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Shir lagu soo bandhigay xal tamareedka cadceeda ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana looga gol lahaa in lagu yareeyo xaalufinta dhirta iyo khatarta gaaska. Shirka oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin, hay’ado iyo bulshada rayidka ah, ayaa lagu soo bandhigay qalab ku shaqeeya tamarta qoraxda sida foornada cadceedda iyo nalal tamareed. Waxaa la xusay in tamarta cadceedda ay tahay mid deegaanka badbaadineysa, dhaqaale jaban ah, islamarkaana lagu beddeli karo dhuxusha iyo gaaska. Shirka ayaa lagu soo xiray baaq loo diray bulshada si ay u taageeraan adeegsiga tamarta nadiifta ah.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here