Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Dhuusamareeb, oo ah caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa lagu qabtay shirweynaha todobaadlaha ah ee ka hortagga isticmaalka bacda, kaas oo ujeedkiisu yahay wacyigelinta bulshada si loo yareeyo halista deegaanka ka soo gaarta bacaha aan la burburin karin.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Galmudug, wasaaradda deegaanka, arday, ururada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale. Intii uu socday shirweynuhu, waxaa lagu soo bandhigay khataraha bacda ay ku hayso deegaanka, caafimaadka dadka, iyo nolasha xoolaha iyo duurjoogta.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf.