Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo kaashaneysa hay’adaha iyo WASH Cluster ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku qabatay shirkii billaha ahaa ee isku-dubaridka WASH (Biyaha, Nadaafadda iyo Fayadhowrka).
Shirka ayaa lagu falanqeeyay arrimaha la xiriira hormarinta adeegyada biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda ee gobollada Koonfur Galbeed. Ujeeddada shirka ayaa ahayd in la xoojiyo wada-shaqeynta
wasaaradda Tamarta iyo Kheryraadka koofur galbeed iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha WASH.
Warkaan waxaa soo jeedinaysa: Sacdia Abdulqaadir Yusuf