Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Abdixakiin Maxamed Xaaji Fiqi ayaa Magaalda Baydhabo ka daahfuray Shir looga hadlayey Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo diiradda lagu saarayaa maalgelinta , wax soo saarka, kobac dhaqaale, shaqo abuurka, ka faa’iidaysiga khayraadka iyo u adkeysiga isbedalka cimilada.
Shirkaan waxaa ka qeybgalay Goliyaasha kala duwan maamulka Koonfur Gaalbeed, Madax ka socotay Wasaaradda Qorshaynta Federerka, Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.
Warkaan waxaa soo jeedinaysa;Sacdia Abdulqaadir Yusuf