Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad gobolleedka Koonfur galbeed si ay uga qeybgalaan shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya oo maanta ka furmaya Baydhabo.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Hamdi Dirie Ali.