Shir looga hadlayo Arrimaha Banii’aadannimada dalka oo Lagu soo gaban gabeeyay Dhuusamareeb

0
37

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa soo xiray shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) kaas oo looga hadlayay xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka, kana dhacay magaalaa Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug.
shirka waxaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhammaan hay’adaha dawladda, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada, iyo bulshada rayidka ah si loo hagaajiyo howlaha diyaargarowga iyo xoojinta howl-gallada ka jawaabista Xaaladaha.

Warkan waxaa soo jeednaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here