Shir Nabadeyn ah oo lagu gabagabeeyay Magalada Gaalkacyo.

0
42

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa magaalada Gaalkacyo lagu soo gebagebeeyay heshiis rasmi ah oo nabadeed oo u dhexeeya beelo walalo ah oo wada dega gobolka Mudug, kadib kulammo iyo dadaallo isdaba joog ah oo lagu xalinayey dhacdooyinkii u dambeeyay ee sababay khasaare naf iyo maal leh.

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiskan muhiimka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo ka shaqeeyay sidii loo soo afjari lahaa xiisadihii jiray loona xoojin lahaa nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada magaalada Gaalkacyo.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here